Tan iyo dabayaaqadii 2017, madax bannaanida warbaahinta ee Soomaaliya ayaa waxaa caburin ku hayay laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo ururka AlShabaab. Warbixintan ayaa waxaa lagu diiwaangeliyay eedeymaha ku aaddan hanjabaadaha, dilalka, isku-dayga dil, xariga, handadaada iyo cagajugleynta lagula kaco weriyayaasha iyo dadka kale ee wax dhaliila iyo xayiraadda ku aaddan helitaanka xogta. Waxaa sidoo kale lagu diiwaangeliyay qaababka cusub ee ay mas’uuliyiinta u laaluushaan warbaahinta si ay isu faafreebaan.

