Somalia: Xabsiga halaga sii daayo sacdiyo bajaaj: Sacdiyo Macalin Cali

Xubno ka tirsan hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa Sacdiyo Macalin Cali oo ah gabar ku shaqaysata Bajaaj isla markaana u dhaq-dhaqaaqda arrimaha bulshada ku xiray caasimadda Muqdisho, iyadoo loo haysto olole ay ka billowday baraha bulshada iyo cabasho ay u soo bandhigtay si nabdoon. Waxaa markii hore laba maalmood lagu hayay saldhigga booliska ee degmada Xamar Jajab, ka hor intii aan 14-kii April loo gudbin Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ay haatan ku xiran tahay.

Choose a language to view report

Download PDF