Document - Somalia: Unlawful killings and torture demonstrate Al Shabaab’s contempt for the lives of civilians

Ururka cafiska caalamiga ah (UCC).

Warbixin guud.

24 Novembar 2009-

AI index: AFR 52/009/2009



Soomaaliya: Dilalka sharci daradda ah iyo jir dilka waxaa ay cadeeyn u yihiin fekaradda Al-Shabaab ee ku aadan noolasha shacbiga



Ururka Caffiska Caalamiga ah (UCC) Waxaa uu manta cambaareynayaa dhaqamada sii khordhayo sida dilalka sharci darada ah, jir dilka iyo si xun ula dhaqmidda ay ka midka yihiin dhagax ku dilidda, gacmo goynta iyo karbaashka ay meelaha fagaaraha ka fuliyaan kooxda hubeysan ee ururka Al-Shabaab ka fuliyaan meelaha ay ka taliyaan.

Markaay taarikdhu ahayd 17 bishii Novebar ayaa waxaa haweeney loo aasay ilaa moxogga dhagax lagu dilay tuulo u dhow magaalada waajid ee gobolka Bakook. Iyadoo ninkii kula eedeysnaa in uu la samaeeyay zinada” ah lagu dhuftay 100 karbaash waa sida wararka soo sheegayaane. Dilkeeda iyo karbaashkaba waxaa amray xaakin u shaqeeya ururka Al-Shabaab.

Tani waxaa xiggay nin la yirahdo Abbas Xussen Cabdiraxman oo 6dii bisha Novembar asagana dhagax lagu dilay magaalada Marka oo ay Al-Shabaab ka talinayaan lag bilaabo bishii Novembar 2008. Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in haweneyda ku eedeysan in ay Cabbas isla ”zineysteen” ayadana dhagax lagu dili doono marka ay dhasho. Warbixin soo gaartay UCC ah ayaa waxaa ay sheegeysaa in haweeneydaan ay jirto 32 sano imikana ay ku sugantahay magaalada afgooye ee gobolka Shabeelaha dhexe.

UCC waxaa uu Al-Shabaab ka codsnayaa in aysan haweeneydan dil ku fulinin. Sidoo kale waxaa laga codsanayaa dhamaan hogaamiyayasha diinta iyo kooxaha kale ee hubeysan ee xiriirka la leh ururka Al-Shabaab in ay si deg deg ah u joojiyaan amar ku bixinta dilalka sharci darada ah, jirdilka iyo si xun ula dhaqmidda ay ka fuliyaan goobaha ay ka taliyaan. Dhagax ku dilidda waa fal isugu jira jir dil iyo dil tasoo ah dambi marka la eego sharcigaa caalamiga ah. Koxaha hubeysan sida alshabaab oo ku lugta leh dagaalada ahliga ah ee hubeysan waxaa wajib ka saaranyahay tixgelinta xeerka caalamiga ah kasoo mamnuucayo ku xadgudubka nafta iyo shaqsiga qofka baniadamka ah gaarka ahaan dilka noocuu doona ha ahaadee, nafeeynta, jirdilka iyo cadownimo ula dhaqmidda ( heshiiskii Geneva qodobka3)

Wax yar ayaa laga ogyahay qaabka ay u dhacdo maxkamadaa Al-Shabaab madama aysan jirin goobjooga yaal madaxbanaan oo goob joog ka ah, si kastababa ha ahaatee dadka la saa taago maxkamdda noocani oo kale ayaan jirin wax garatnii ah oo ay ka heli karaan qaabka ay howsha u socota sida sida matalaad uu matalo garyaqaan ama aysan racfaan ka qaadan karin.

Bishii oktobar ee 2008 ayaa waxaa uu rururka Al-Shabaab dhaax ku dilay gabar yar oo jirtay 13 sano oo ay kufsadeen 3 nin magaalada Kismayo. Al-Shabaab waxaa ay ku andacodeen in ay jirtay da’ labaatanaad ayna ”macaasiyeeysatay” sharcidaradda maxkamadaha fuliya go’amada noocan ah iyo xiriirka ay la leeyihiin AL-Shabaab ayaa waxaa ay shacbiga ku nool deeganada ay ka taliyaan ka dhigtay kuwo halis dheeraad ah ugu jiro in la jir dilo ama dil sharci darro ah loo geysto.

Bilihii dhawaa yaa xubnaha Al-Shabaab sidoo kale waxaa ay dil ku fuliyeen shaqsiyaad ay ku edeeyeen in ay xiriir la lahayeen dowladda federaalka ku meelgaarka ah. 28 bishii September ayaa koox hubeysan oo Al-Shabaab ah ay dil toogasho ah ku dileen labo nin oo dhalinyaro ah agagaarka suuqa Maslah ee waqooyiga magaalada Muqdisho iyadoo ay dawanayeen dadweynaha deeganka. Waxaa ay labada nin ku edeyeen in ay jawasiis u ahayeen dowladda Mareeynkanta, dowladda ku meel gaarka ah iyo ciidamada afrikaanka ee ku sugan gudaha dalka Somaaliya. Sidoo kale 25 bishii Oktobar ayaa waxaa magalada Marka ku dileen labo nin oo dhalinyaro ah ayagoo ku andacooday in ay qirteen in ay ayaga jajuseen. Labada dil ee sharci darada ah ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwa jawaab u ahaa weerar la sheegay in ay diyaaradaha Mareeykanka geysteen 15 bishii Septembar kasoo sida la sheegay lagu dilay Saleh Ali Saleh Nabhan oo xubin ka ahaa ururka Al-Shabaab iyo Alqaacidda.

Al-Shabaab waxaa ay ka fa’deysteen sharci iyo kala dambeeyn la’anta ka jirta konfurta iyo bartamaha Somaaliya. Laga bilaabo sanadkii 1991 ka dib markii ay dowladii dhexe meesha ka baxday ayaa waxaa uu san wadanka lahayn didaam cadaladeed. Al-Shabaab waxa aay ku andaconayaan in talaabooyinkooda yihiin kuwo nidaam iyo kala dambeeyn loogu soo celinaayo Somaaliya. Si kastaba ha ahatee, ficiladda Al-Shabaab iyo koxaha kale ee hubeysan oo la garabka ah ayaa waxaa ay dhab ahantii dhibato u geysteen amaanka shacbiga. Waxaa ay fuliyeen weeraro aan loo meel dayin ayagoo kuwa ay cadawgooda u arkaan ka soo weerara meelaha ay shacgiba daganyhiin ama ku badanyihiin gaar ahaan magaalada Muqdisho. Sidaasi darteed tani waxaa ay shacbigga ka dhigtay kuwo aad ugu nugul werarada nocaani oo kale ah. Waxaa kale oo ay bililiqesteen xerroyinka isla markaana ay xayireen, horna istageen howlaha gargaarka banidadan nimada ayagoo soo saaray warbixino cabsigelin ah. Gargaarka ayaa waxaa ku tiirsan 3.7 milyaan oo shacbi ah. Waxaa kale oo ay cabsi galiyeen saxafiyiinta iyo xubnaha bulshada ra’yidka ah kuwasoo ka soo warramo dhibaatoyinka iyo xaladaha ay shacbiga ku suganyihiin.

Goob joogayaal isugu jiro Soomaali iyo ajaanib ayaa waxaa ay aminsan yhihiin in Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan oo gacansaarka la leh ay ka dambeyeen dilalka qorsheysan oo lagula kaco saxaafiyinta iyo xubahaha bulshada ra’yidka ah.

Ilaa iyo bilowgii 2007 waxaa dil qorsheysan ugu yaraan lagu dilay 9 saxaafi ayadoo todobo ka mid ahna ay gesteen niman hubeysan oo aan la garaneynin iyadoo ay weli aad u adagtahay in heybtooda la ogaado. Si kastaba ha ahatee, mararka qarkood ayaa ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in wariyayashani loogu hanjabay telefoon inta aan la dilin ka hor ayadoo ay hanjabadaa ka imaaneyso dad sheeganayo in ay Al-Shabaab ka tirsanyihiin. Dilalka qarkood ayaa waxaa laga geeystay meelaha ay Al-Shabaab ka taliyaan sida suuqa bakaaraha mana jirto cid loo qabqabtay ama loo xirxiray dilalka noocan oo kale ah. Inkastoo afhayeenka ururka Al-Shabaab uu iska fogeeyo ku luglahansha ururkooda ayaa haddana waxaa ay ku guul dareysteen cambaareynta iyo amar ku bixinta joojintooda falalka noocan oo kale ah. Madaxda Al-Shabaab uma muuqdaan kuwo talaabo ka qaaday dadka looga shakisanyahay in dilal noocan oo kale ah geysteen oo ayaga ka tirsan.

Xubaha Al-Shabab ayaa waxaa ay fuliyaan dil, karbaas, nafeeyn(gacan iyo lug goyn) iyo weliba dadweynaha oo ay ku casuumaan daawashada falalkan marka ay fulinayaan. Waxaa ay sabab ka dhigtaan in ay qayb ka tahay sugidda aminiga iyo kala dambeytna lakiin waxaa u muuqataa mid lagu cabsigelinaayo shacbiga.

Xaaladda xaquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa waxaa ay tahay mid ka sii dareeyso. Waxaa weli sii soconaayo dilalka, dhawacyada iyo weerarada ay geystaan kooxaha dagaalamayo kuwasoo sababo barakac baahsan isla markaana shacbiga u diido in ay helaan gargaar bani’adan nimo. Waxaa intaasi dheer ayagoo halis dheera ah ugu jiro in la jir dilo ama la dilo. Arrintani ayaa waxaa geeysto xubnaha kooxaha hubeysan kuwasoo mar waliba muujinayo in ay wax tixgelin ah siineynin nolasha qofka banidamka ah.

Gogoldhig

Al-Shabaab waxaa ay imika ka taliyaan qeybo aad u weyn oo ka mid ah konfurta iyo bartamaha Somaaliya oo ay ka mid yihiin magaaloyinka Marka, Kismayo, Baidhabo iyo qaar ka mid ah demoyinka magaalada Muqdisho. Dowladda federaalka ah ee heysato aqoonsiga caalamiga ah ayaa waxaa ay ka talisaa qayb ka mid ah demoyinka magaalada Muqdisho, Kuwasoo si joogta ah ay u soo weeraraan kooxaha hubeysan. Dowladda kuma aysan guuleysanin in ay nidaam cadaalad qaran ah u sameeyso dalka. Ka dib markii dowladda Maxamed Siyad Bare xukunka laga tuuray sanadkii 1991, ayaa waxaa wadanka ka talinayay oday dhaqameedyo kuwasoo ay aas aas ka dhiganayay xeerka dhaqanka iyo shareecada ka dib markii meesha ka baxday garsoorkii qaranka.

Al-Shabaab waxaa ay qayb ka ahayeen maxkamadihii Islamiga ee mudada gaaban ka talinaya magalada Muqdisho sanadkii 2006. Sida ay aaminsanyihiin dadweynaha qaar maxkamadaha islaamiga ah waxaa ay ku guleysteen soo celinta amniga iyo kala dambeynta goobo ay horay ugu talin jireen kooxo hubeysan, maleeshiyaad iyo hogaamiye yaasha qabaailada. Maxkamadaha islaamiga ah waxaa ka guuleystay ciidamadii Etoobiyanka ahaa ee soogalay dalka dhamaadkii sanadkii 2006 kuwasoo caawinayay dowladii ku meelgaarka ahayd. Xiliyada howlgalada military ee noocani oo kale ay socdan waxaa la geystaa xadgudbyo badan oo ka dhan ah sharciga xaquuqda aadahanah iyo gargaarka baniadan nimada oo ay geysanayeen cidamada Etoobiya iyo kuwii dowladda ku meelgaarka ah.

Ka dib markii madaxweyne in uu ka noqodo dowladda federalka ah loo doortay Sheikh Sharif Sheikh Ahmed,oo ah hoggaamiyhii hore ee maxkamadaha islaamiga ah ayaa waxaa ay baarlamanka ku meelgaarka ah isku raaceen ku dhaqanka shareecada islaamka lakiin taasi waxaa diiday Al-Shabaab oo ku eedeeyay in ay gacaan saar la leeyihiin reer galbeedka,











How you can help

AMNESTY INTERNATIONAL WORLDWIDE